Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Islaam] oo warbaahinta la hadlay ayaa mas’uliyada burburka shirkii Dhuusa-Mareeb dusha uga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Madaxweyne Farmaajo wuxuu isku soo koobay sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya ka mid ah, oo degmo ka mid ah Gobolka Gedo oo kuraas ay taallo uu yiraahdo Aniga un baa ka talinaya, ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.
Wuxuu sheegay in aysan marnaba suurtagal aheyn in madaxweyne sidaa ah sida uu hadalka u dhiggay dalka lagu aamino.
Hadalka Axmed Madoobey ayaa imana xili xalay lagu kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb kaddib markii leysku mari waayay arinta gobolka Gedo oo madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ay ku kala aragdi duwannaadaan.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu dhinaciisa mar walba diyaar u yahay in xal loo helo khilaafka taaggan, hasse ahaatee dhinaca madaxweynaha Soomaaliya arintaa dhinaciisa suurtagal ka aheyn.