Madaxweyne Farmaajo oo maanta hortegey golaha shacabka qudbadna ka jeediyey

0
178

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo heshiisyadii horay loogu garay.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay hor istaageen wax walba oo sahli karay in dalka ay ka dhacaan doorashooyin, isaga oo sheegay in waxyaabo badna uu uga tanaasulay labada Madaxweynaha.

Heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo Villa Soomaaliya ayuu sheegay inay dhamaan ka horyimaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iy Puntland, sidoo kalena uu ka codsaday in ay usoo gudbiyan Gudiyada doorashooyinka balse ay diideen.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay in Baarlamaanka waqtigooda uu dhamaaday, balse waajibadkooda qaran ay yihiin kuwo weli gudanaya.