Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isaga oo ka soo kicitimay magaalada Dhuusa-Mareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markiiba loo gudbiyay madaxtooyada Soomaaliya iyadoo qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho ay xireen ciidamada Koofiya casta ee ilaalada gaar ah ee madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda sida uu qorshuhu yahay uu hortago xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad ka la xiriirta xaalada siyaasadeed ee dalka.