Shirkii madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada oo fashil ku dhamaaday

0
52

Waxaa gabi ahaanba burburay oo lagu kala taggay shirkii Dhuusa-Mareeb uga socday madaxda dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay looga wada hadlayay dhameynta khilaafka ka taaggan doorashada dalka oo aan wali heshiis lagu aheyn.

Arrinta gobolka Gedo oo ah xuddunta khilaafka iyo sababta in shirka lagu kala dhaqaaqo ayeey isku mari waayeen madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe[ gaar ahaan cidda maamuleysa doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ee lagu waddo in ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey.

Jubbaland ayaa dalbatay in marka hore gacanteeda lagu soo celiyo guud ahaanba gobolka Gedo oo Garbahaarey-na ay ka mid tahay, lagana saaro gabi ahaanba ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka iyadoo taa badalkeedana la geynayo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Hasse ahaatee Madaxweynaha Farmaajo ayaa lagu waramayaa in uu arintaa ku gacanseyray isaga oo ku adkeysanaya in doorashada gobolka Gedo ay dowladdu maamuleyso, waana tan keentay in ugu danbeyntii shirku ku soo idlaado natiijo la’aan.

Dadka sida dhaw ula socday shirkan ayaa qaba in markii horeba uusan aheyn mid daacad laga wada ahaa hasse ahaatee beesha caalamka ay ku qasabtay in hoggaamiyayaasha Soomaalidu in ay is arkaan kana wada hadlaan khilaafka doorashada.