Maamulka puntland oo ka jawaabay hadal uu shaley yiri madaxweyne farmaajo

0
61

Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa shalay qeyb kamid ah Khudabdii uu u jeediyay Xildhibaannada golaha Shacabka waxaa uu ku sheegay in heshiiskii doorashooyinka ee horay loo gaaray uu soo qortay Madaxweyne Deni, waxaana warkaasi ka jawaabay Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamul goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo uu gef ku yahay Maamul Goboledyada, isaga oo rali-gelin ka siiyay.

“Hadalkaasi waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka , annagaana xaal ka siinaynaayuu yiri ” Wasiirka Warfafainta Puntland.

Qudbadii uu shaley baarlamankaka jeediyey madaxweynaha ayaa dad badan iyo weliba siyaasiyiin badan ka careysiisay maadaama aysan ku dhisneyn xaqiiqda dhabta ah iyo weliba waxa ay isku heystaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta maamul goboleedyada.