Waxaa Qoray: Abdulkadir M. Abow
Waxaa la joogaa waqtigii doorashada Soomaaliya oo mar walbo ah waqti dhib badan oo xamaasad iyo cabsi fara-badan aay jirto. Doorashadan, sidii kuwii ka horeeyeyba is-jiid-jiid iyo gacmo maroojis ayaa wax lagu wadaa. Sidoo kale weey nagu badatay in madaxweyne walbo oo la doorto uu aad uga hoos maro sidii laga filaayey. Iyadoo lagu doodi karo Soomaaliya in aay adag tahay in doorasho, nooceey doontaba ha ahaatee, lagu qabto, haddana waxaan la iska indha tiri karin oo loo haayaa cadeymo in marka horeba aan sidii la rabay loogu guntan. Haddaba waa maxay sababaha? Midda kale doorashadan, xitaa haddii lagu qaban lahaa waqtigeeda, maxay u soo kordhin lahayd Soomaaliya? Maxaa bedel u noqon kara?
Waa jirtaa in wadanka uusan gacanta ugu wada jirin dowladda oo aay adag tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Laakiin, arrintan ma aha mid cusub oo waa la ogaa haddana waxaa shacabka loo sheegay oo laga balan qaaday in la gaarsiin doono hal qof iyo hal cod.
Sidoo kale waxaan dhameystirneyn dastuurka oo isagana la balanqaaday marar kala duwan in la dhameystiri doono. Taasoo iyana aaysan ku guuleysan dowladdan iyo kuwii ka horeeyeyba.
Maxkamad Dastuuri (Constitutional Court) kama dhisna wadanka oo xalin karta marka arrimo dastuuri ah la isku qabto sida tan hadda taagan ee ah haddii doorasho la qaban waayo dowladdana muddada ka dhamaato lama oga waxa dhici doona. Waxaa dhici karta isku dhac in uu yimaado ama talada xoog lagu sii heysto.
Doorashadan haddii lagu qaban lahaa waqtigeeda oo la dooran lahaa madaxweyne qofkuu doono ha noqdee xaaladdu waxay u badan tahay in aaysan wax badan ka bedeli lahayn.
Sababta waxaad mooddaa in eey noqon qorto habkan siyaasadeed ee noogu qoran dastuurkaba inuu yahay mid aan ku habooneyn bulshadeena oo loo baahan yahay in loo helo wax bedela.
Xalka
Qaab-dhismeedka qeybta fulinta ee dowladda hadda ka jirta wadanka, ee ah in la doorto madaxweyne oo uu soo magacaabo ra’iisul wasaare, oo awoodda fulinta eey gasho gacanta hal qof, dadkuna u arkaan – haku saxsanaadeen ama haku qaldanaadeene – in qofkaas qabiilkiisa uu xukumo wadanka, waa mid fashil ah oo aan laga dhaxlin faa’iido aan ahayn musuqmaasuq. In lagu noqnoqdana macno ma sameyneyso.
Mar haddii baarlamaanka iyo madaxweynuhuba waqtigii uu ka dhamaaday waxaa ku fiicnaan lahayd in la fiiriyo wax bedel u noqon dhibaatadaan soo noqnoqaneysa. Waxaan is leeyahay waxaa fiicnaan lahayd:
· In baarlamaanka hadda jira muddo labo sanno ah loogu daro
· Ka dib in la sameeyo wadatashi guud oo lagu soo magacaabo gole fulineed oo lagu magacaabo Golaha Maamulka Qaranka (National Administration Council) oo ka kooban hal (1) Guddoomiye
iyo afar (4) xubnood oo ah dad Soomaalinimadooda, islaanimadooda, dadnimadooda iyo kartidoodaba la isku haleyn karo la magacaabo.
· In golahaas la siiyo muddo shan sannadood ah oo aay yeeshaan guddoomiye meerto ah. Sannad walba in la bedelo guddoomiyaha.
· Guddoomiyaha golaha in uu ahaado madaxweynaha wadanka muddada halka sanno ee uu guddoomiyaha yahay.
· Golaha in uu si wadajir ah u maamulo wadanka heer Federaal.
· Afarta xubnood ee Golaha Maamulka Qaranka in loo xilsaaro afar wasaaradood oo kala ah Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Difaaca iyo Maaliyadda.
· Go’aanada wasaaradaha iyo siyaasadda dalka oo dhan in lagu gaaro hab cod dheeri ah oo golaha ah.
· Golaha in uu u qabto umadda dib-u-heshiisiin dhab ah oo talada iyo kheyraadka dalka lagu qeybsado laguna dhiso dastuur ka turjumaya waaqiciga wadanka iyo umadda.
Waxaa muhiim ah in aan lagu noqon wax aan hore u soo shaqeynin oo aan haddana rajo badan laga lahayn in uu shaqeeyo. Waxaan is leeyahay tan waxay fududeyneysaa in umadda aay iska dhex arkaan maamulka wadanka oo aay halkaas abuuranto in la aamino maamulka.
Midda kale, cid walbo oo madaxweyne noqoto, siduu rabo wadani ha u ahaado, waxaa fudud in cadaadis dibadda ah uu soo foodsaaro, kaasoo ku qasbi kara go’aan aan dan ugu jirin umadda in uu gaaro. Waxaa adkaan doonta in cadaadis noocaas oo kale la saaro gole shan qof ah.
Hab dhismeedka hadda jira haddii uu u shaqeeyey wadamada adduunka qaarkood ma aha in uu noo shaqeyn doono anagana. Aan raadsano oo aan wax u sameysano sida aan rabno oo uu xalku ku jiro oo ah in talada iyo kursiga loo wadaago si daahfuran.
Kheyr badan insha Allah!
Qore: Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com