Midowga musharixiinta oo sheegay in maanta wixii ka dambeya aysan farmaajo u aqoonsaneyn madaxweyne

0
86

Iyadoo maanta uu ku eg yahay muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay afar sano u buuxsantay ayaa war ay soo saareen midowga Musharixiinta waxaa ay ku sheegeen in laga bilaabo maanta aysan u aqoosaneyn Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Muddo xileedka madaxweynaha ayaa dhamaaday iyadoo dalka uusan u diyaarsaneyn hannaan doorasho dhinaca kalana ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed iyo cabsi laga qabo firaaq dowladdeed oo dhaca.