Midowga yurub oo walaac ka muujiyey ismariwaaga siyaasada dalka somaliya

0
76

Midowga Yurub ayaa sheegay heshiis la’aanta Soomaaliya ee qabashada doorashada guud ee soo socota in ay tahay mid halis ku ah xasiloonida Soomaaliya.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la sii wado ka qaybqaadashada wax ku oolka ah si loogu heshiiyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran.

Wuxuu sheegay ismariwaaga siyaasadeed ee hadda ka dhex jira hoggaamiyaasha Soomaaliya inuu dhaawacayo kalsoonida ururku Midowga ku qabo horumarka Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu ku dhiiri galiyay hogaamiyaasha Soomaaliya inay xaliyaan ismari waaga siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashooyin.