Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabatya hadalo ka soo maalintii shaley kasoo yeeray xubnaha golaha musharixiinta oo ahaa in aysan Maxamed Cabdulahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya.
Golaha musharaxiinta iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya qaarkood ayaa sheegay in mar hadii ay dhamaatay muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah ee dalku aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Afhayeen xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Maclimu ayaa ku tilmaamay mid sharci daro ah hadalada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.
Mr Maclimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horey u soo saareen golaha shacabka kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan ilaa kuwa kale laga soo doorto.
Mr Maclimu ayaa farta ku fiiqay in ilaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.