Kulanka golaha shacabka oo fumey iyo reysulwasaare rooble oo hadal ka jeedin doona

0
76

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa ka furmay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho, iyada oouu Xildhibaannada hortegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble.

164 Xildhibaan ayaa kulanka xaadiray, waxaana Maanta kulanka uu yahay Hadal Jeedinta R/Wasaaraha & Warbixin ku saabsan Waxqabadkii 100ka Maalmood ee Xukuumadiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo kulanka furay ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in aan la ogoleyn buuq farabadan iyo in Firimi la yeeriyo maaadaama dhowr jeer Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeedinaya Xildhibaannada firimbi lagu yeeriyay.

Guddoomiye Mursal ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay in khudbadiisa uu kusoo koobo warbixinta la xiriirta waxqabadka xukuumadiisa ee Isniintii loo qeybiyay Golaha Shacabka, isla markaana uusan ka hadli war la xiriira doorashooyinka Soomaaliya.