Sida lagu daabacay Wargeysa Nation dowladda Kenya ayaa markii Afaraad waxaa ay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ka codsatay in dib loo dhigo kiiska Badda ee kala Dhaxeeya Soomaaliya.
Dhageysiga Kiiska Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya & Kenya ayaa maxkamadda horay u shaacisay in la qaadayo 15-ka Bisha Maarso ee sanadkan 2021, waxana Kenya ay u muuqataa mid dooneysa in wada-hadal hoose lagu xaliyo kiiska Badda.
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaan weli kasoo jawaabin codsiga ay u gudbisay Kenya, hayeeshee waxaa horay u jirtay in dhowr jeer ay Kenya dalbatay in kiiska badda dib loo dhigo Maxkamadana ay ka aqbashay.