Qaramada Midoobey ayaa xaaladda Soomaaliya ee jah wareersan kala hadashay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika si loo qabto doorasho lagu wada qanacsan yahay oo ku dhacda waqtigii loogu tala galay.
Qaramada Midoobey ayaa ka dalbatay dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda in ay ka qeyb qaataan sidii loo hagaajin lahaa Soomaaliya loogana hortagi lahaa doorasho lagu muransan yahay in ay dalka ka dhacdo.
Muddo xileedkii dowladda Soomaaliya ayaa dhamaaday, waxaana lagu waddaa in 15-ka bishaan la qabto shir looga hadlaayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya.