Gudiga farsamada shirka garoowe oo ku wajahan magalada baydhaba

0
63

Maanta oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay gaaraan Guddiyo farsamo oo loo xilsaaray diyaarinta iyo qabsoomida Shirka Garoowe ee uu ku baaqay Madaxweynaha mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddiyadaan oo ka kooban 14 Xubnood ayaa waxaa ay ka kala socdaan dowladda Federaalka Soomaaliya, Shanta maamul Goboleed & Gobolka Banaadir, waxaana la sameeyay kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay warqad u dirtay Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir si guddiga loo sameeyo.

Xogaha aan helnay ayaa sheegaya in Guddiyadaan ay shir ku yeelanayaan Magaalada Baydhabo si ay uga arrinsadaan nooca ugu sahlan oo ay xal uga gaari karaan Hoggaamiyayaasha Soomaalida muranka doorashooyinka.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in guddiyada ay ka Shaqeyn doonaan halka lagu qabanayo Shirka wadatashiga, in kastoo weli Madaxda dowladda ay ku adkeysanayaan in Shirka lagu qabanayo Magaalada Garoowe.