Gudoomiyaha gudiga musharixiinta oo ku dhawaaqay bananbax

0
59

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Misharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo khilafka weli kajira doorashada Soomaliya.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay muqdisho ayaa sheegay in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maalintii lixaad shi sharci darro ah ku joogo Villa Soomaaliya, isaga oo uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

Waxaa u sheegay in dalkaan ay aheyd in ay ka dhacaan doorashooyin, hayeeshee aysan muuqan ififaalo ku aadan in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay, isla markaana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay isku tashadaan.

Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday aysan xalka qeyb ka aheyn, balse ay xaalada buur wadaan, waxaana uu ku dhawaaqaan banaanbax nabadeed oo uu sheegay in lagu dalbanayo inay dhacaan doorashooyin loo dhan yahay.