Midowga Musharaxiinta ayaa faahfaahiyay Mudahaaradka lagu waddo in maalinta Jimcada ah uu ka dhaco Muqdisho kaasoo looga soo horjeedo dowladda uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa Jimcada uu yahay mid nabdoon oo laga ilaalin doono rabsho laakiin ay helayaan wararka sheegaya in dowladda ay doonayso in ay carqaladeyso.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay hay’ddaha Ammaanka in aysan carqaladeyn Banaanbaxa, islamarkaana laga doonaayo in ay suggaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cijaar ayuu ugu baaqay in uu qaato kaalin dhexdhexaad ah oo lagu xaqiijinaayo Amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.