Kenya oo ka hadashey sida ay u aragto go,aankii maxkamada aduunka

0
67

Dowladda Kenya ayaa maalmo kadib waxaa ay ka hadashay sida ay u aragto go’ankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee ahaa in marnaba aysan aqbaleyn in dib loo dhigo markii Afaraad Dacwadda Badda ee kala dhaxeeysa Soomaaliya.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii Kenya ay codsatay in dib loo dhigo dhageysiga kiiska oo loo balansan yahay 15-ka Bisha Maarso ee sanadkna 2021.

Xoghayaha joogtadda ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau, ayaa sheegay in Dowladda Kenya diyaar u tahay inay xaadirto dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Macharia Kamau oo Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in go’aanka diidmada ah ee maxkamadda in aysan ka dhigneyn inay Kenya guuldareysatay, balse uu rajeynayo in tallabo horay loo qaado.