Gudoomiyaha aqalka sare oo qoraal u direy madaxda dowlada

0
98

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu u diray Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday & Maamul Goboleedyada waxaa uu dalbaday in loo madax banaaneeyo Arrinta gobolada Waqooyi ee doorashooyinka.

Qoralka oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa lagu sheegay in aan wax tixgelin ah laga siinin shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Dhuusamareeb Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, waxaana lagu eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday & Xukuumadiisa inay dadaaal adag u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland, isla markaana ay faafiyeen warar ay kamid yihiin inay heshiiyeen iyo in guddiga loo qeybiyay.