Madaxweynaha iyo Reysulwasaaraha oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Sheekh Nuur Baaruud

0
82

Waxaa habeennimadii xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday alle ha u naxariisteen Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliyeed muddo dheerna kasoo shaqeynayay dacwadda Islaamka.

Sheekh ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Martiino oo la dhiggo bukaannada uu soo rito cudurka Covid 19 laakiin dowladda kama aysan hadal sababta geerida marxuumka iyo in uu u dhintay cudurkan oo maalmihii ugu danbeeyay siweyn dalka ugu soo laba-kacleeyay.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sheekh Nuur, isaga oo tilmaamay doorka wanaagsan ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwadda Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, isaga oo Alle uga baryay in Janadii Fardowso uu ka Waraabiyo.

Sheikh Nuur Baaruud ayuu ku tilmaamay in uu ka mid ahaa culimada diinta Islaamka ee ugu magaca dheer Soomaaliya waxaana isaga oo cimirigiisa oo dhan u huray fidinta iyo barista dadka ee diinta, isagoo aan waligii ka gabban caddeynta xaqa xaalad kasta oo uu ku jiro.