Xaaji Maxamuud Maxamed oo xoriyadiisa dib u heley Mudo Laba bil iyo Bar kadib

0
145

Xaaji Maxamuud Maxamed oo ay sida ay sheegtey warbaahinta qaranka gurigiisa ka qafaasheen ciidamada danab taariikhdu markey eheyd 2 bishii dicember 2020 ayaa mudo 2 bil iyo bar kadib xoriyadiisa dib u heley gelinkii dambe ee shaley.

Warbaahinta qaranka ayaa xiligaasi sheegtey in Xaaji Maxamuud Maxamed uu ahaa shaqsi gacan saar la leh kooxda alshabab isla markaana howlgalada uga fuliya degmada walaweyn taasoo run ahaantii aheyd mid ka fog xaqiiqda.

Wararka aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa inoo sheegaya in Sii deynta Xaaji Maxamuud Maxamed ayaa timid kadib kolkii lagu waayey wax dembi ah, Balse su’aasha u baahan in la is weydiiyo ayaa ah yaa ka shaqeeya xarigiisa yaana ka masuul ahaa gudbinta dacwaha beenta ah ee laga gudbiyey?.

Si kastaba arintu ha ahaatee dalka somaliya ayaa waxaa intiisa badan ka socota cadaalad daro ay hormuud u yihiin dad yar oo danahoooda ka dhex raadinaya wax aan danta guud ku saleysneyn taas ayaana keeneysa in halkaasi ay ka dhacaan dembiyo ama xadgub loo geysanayo shaqsiyaad aan wax dembi ah laheyn.

Maalmaha soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa shaqsiyaadkii hormuudka ka ahaa xariga Xaaji Maxamuud Maxamed iyo danta ay ka lahaayeen xarigaas.