Ciidamada amisom oo qarax lagula beegsadey deegaanka golweyn ee gobolka shabelaha hoose

0
186

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay qarax Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda lagula eegtay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen wadada u dhaxeysa degaannada Danoow iyo Golweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa jugta qaraxa, sidoo kale qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay fureen rasaas farabadan, taas oo aan la xaqiijin khasaaro kasoo gaaray dad Shacab ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen laba askari oo ka tirsan AMIOSM.