Ciidamada amisom oo lagu amrey inay dhexdhexaad ka noqdaan rabshadaha ka socda somaliya

0
118

Midowga Africa ayaa ku amray ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya inay dhex-dhexaad ka noqdaan muranka siyaasadeed ee dalka kadib markii rabashado ay ka dhaceen Muqdisho.

Rabshadaha ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka, habeen hore, iyo rasaas ay ku fureen shacab iyo musharaxiin kale oo dibad-bax dhigayey shalay subax.

Warka kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna ka walaacsan yihiin

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay taxaddar dheeri ah iyo is-xakameyn ka muujiyaan inaan la gelin xiisaddan ayna dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda.