Dowlada oo jawaab a bixisay qoraal kasoo baxay dowlada imaaraadka carabta

0
70

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii ka soo baxay dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ee xiligan jirta ku tilmaamtay KMG.

Wasiirka ayaa sheegay in qoraalkaa ka soo baxay Imaaraadka uu ahaa mid baalmarsan dhaqanka carbeed iyo xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

Wuxuu sheegay in Imaaraadku Soomaaliya ka rabaan in ay la mid noqoto dalalka Yemen iyo Liibiya, oo ay ka abuurto fowdo iyo barakac.

Waxaa uu ka dalbaday Dowladda Imaaraadka in ay cudur daar iyo waliba raaligalin buuxda ka bixiyaan qoraalkii ay dowladda Soomaaliya ugu yeertay in ay tahay KMG, taasoo ah ayuu yiri gaf qaran.