Maxkamada ciidamada qalabka-sida oo fedhigeedu yahay baydhaba oo xukun dil ah ku ridey askari

0
301

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta Xukun Dil ah Ku ridey askari ka tirsan Ciidmada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Askariga ayaa waxaa lagu Magacaabaa eedeysane Madani Cabdi Maxamed Cali oo 25-sano jir ah kana tirsan Rugta Booliska ee Hareera Kaadiyow Duleedka Magaalada Baydhabo, waxaana 18/1/2021 ku dilay Xabad AK47 ah Sajuuda kaga dhuftey Shamso Nuur Ibrahim halkaasina ay Ku geeriyootey.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in askariga lagu riday xukun dil toogasho ah.