Qaar katirsan maamul goboleedyada iyo dowlada oo haatan shir uga socda magalada muqdisho

0
72

Wararka haatan naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan uga socdo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya ee aanan wali lagu heshiinin waqtigeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka sidoo kale looga hadlaayo rabshadahii dhawaan ka dhacay caasimadda dalka ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankani ayaan soo xaadirin madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubaland taasoo cadeyneysa in aysan dhaweyn xal ka gaarista arimaha doorashooyinka dalka.