Villa somaliya oo ka warbixisay kulankii maanta

0
92

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd war-murtiyeed kasoo saartay shirkii uu maanta shir guddoomiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlay is-mari-waaga doorashada.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray ‘xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar’, ayada oo la isku raacay in talo soo jeedintii guddiga ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada.

Shirka maanta ayaa waxa uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.