Wasarada arimaha dibada mareykanka oo sheegay in lala xisabtami doono kuwa tumanaya xuquuqda insaanka

0
86

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa looga digay dalalka caalamka in ay joojiyaan ku tumashada sharciga, iyadoo ku marmarsiinayo in uu jiro cudurka Karoonaha.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lala xisaabtami doona kuwa falkaasi ku dhaqaaqa, islamarkaana loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

“Waa Waajib in dowladaha lagula xisaabtamaa ilaalinta xuquuqul insaanka, mana jiro Dal loo ogolaanayo kutumashada xuquuqul insaanka iyo xuquuqda asaasiga ah iyada oo lagu marmarsiyoonayo cudurka COVID-19”ayaa lagu yiri