Madaxweynaha maamulka puntland oo iftiimiyey damaca madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday

0
63

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay xog hoose iyo hadalo ay is dhaafsadeen isaga iyo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo bilaabo shirarkii doorashooyinka ilaa 19kii bishan oo ay qalaalso ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Farmaajo in uu aamisan yahay in uu dalkan gabi ahaanba ku qabsado sida uu hadalka u dhiggay xoog iyo awood ciidan , isaga oo intaa ku darray in doorashada Soomaliya kala weyn tahay Farmaajo arinta Garbahaareey iyo in beeshiisu aysan ogoleyn in la hoosgeeyo Jubbaland.

“Shir ugu danbeeyay ee Dhuusamareeb, markii la soo gaaray in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey wuxuu nagu yiri Annigu waan baxayaa xitaa wuxuu isku dayay in sababta shirka uu u burburinayo aan micno u sameyno, isaga oo markaa diidan in laga hadlo arinta gobolka Gedo iyo Garbahaareey’’ habbeen- barkiina waxaa dhawaaqay nin waqtiyada danbe soo baxay oo Dubbe la yiraahdo wixii uu ku hadlayna waad maqasheen ”ayuu yiri Deni.

Waxaan isku dayay ayuu yiri in aan xasuusiyo madaxweynaha in waqtigu gabagabo yahay islamarkaana ay soo dhawday 8da Feberaayo oo ku ek muddo xileedkisia hasse ahaatee waxaa uu iigu jawaabay ayuu yiri’’ Wax 8da Feberaayo la yiraahdo ma jiraan, dalka hay’addaha hadda jira ayaa sii shaqey-naya ilaa laga helayo hay’addo kale oo sharci ah oo badala ‘’Wuxuu ii soo diray talleefoon markii la dhaafay waqtigii muddo xileedkiisa, wuxuu igu yiri aaway dadkii lahaa waxbaa dhacaya haddii waqtigaa la gaaro, wax dhacay ma aragtay’’

Saciid Deni ayaa sheegay in dhowr jeer isaga iyo Axmed Madoobe uu kula diriray madaxweyne Farmajo la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiye’’’ Marar badan oo aan Muqdisho tagnay aniga iyo Axmed Madoobe madaxweyne Farmaajo wuxuu nagula diriray la kulanka siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Hawiyo, isaga oo markaa noo muujinaya in ay yihiin dad isaga cadaw ku ah.

Deni ayaa siweyn u weerarray ujeedada laga leeyahay ciidamada Gorgor iyo Harimocad oo uu ku tilmaamay in ay yihiin ciidamo qarsoon oo howlo gaar ah qabta, laakiin aan loogu tala-galin in ay cadawga la dagaalamaan sida uu hadalka u dhiggay.

‘’Ciidamadan la leeyahay Gorgor iyo Harimocade bal dib u fiiriya ilaa iyo hadda meelaha ay ka dagaalameen oo aan annigu arkay waa Dhuusa-Mareeb, Gedo iyo Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, Huriwaana lama taggi karo oo Al-shabaab ayaa heysta, waddada Muqdisho iyo Afgooyana wey xiran tahay oo ma taggaan, ayuu yiri Deni.

Mar uu soo hadal qaaday shirka uu ku baaqay madaxweynaha ayuu sheegay in magaalada Muqdisho xiligan lafahooda kala baqayaan, ‘’ bal ka warama haddii hadda taggista magaaladii Muqdisho laga wiswisayo, oo laga baqayo oo la leeyahay armaa raashinka sun leydiin ku darraa’’ ayuu yiri Deni oo hadalkiisa sii raaciyay in dalku meel halis ah marayo.

Beesha caalamka ayuu ugu baaqay in ay hoos u eegaan xaalada dalka ‘’ Beesha caalamku waxey uga dhagtay fulinta heshiiskii 17ka September, waxaan leeyahay arintu 17ka September wey soo dhaaftay 19ka Feberaayo ayaa ka danbeysay’’.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in dalka uu halis ugu jiro in uu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo la damacsan yahay dalka.