Cudurka corono viruska oo fara ba,an ku haya somaliya

0
113

Wararka inaga soo gaaraya magalada muqdisho ayaa sheegaya in cudurka corono viruska uu fara ba,an ku hayo somaliya dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafayna uu soo ritey dad badan halka dad badana uu diloodey.

Qaar ka tirsan shacabka muqdisho oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay in cisbitaalka martiini ee lagu dabiibo dadka qaba cudurkan ay maalin walba ku dhintaan in kabadan 60 ruux halka maalin kasta ay yimaadaan dadyow aad u badan oo ka cabanaya cudurka.

Cudurka ayaa sida la xaqiijiyey waxaa dalka dib ugu soo celiyey qurbo joogta wadanka dib ugu noqotey ayaga oo og inay qabaan cudurka taasoo aad moodo inay tahay masuuliyad xumo dadka qaarkii ay sameynayaan.

Shacabka muqdisho ayaa inta badan waxaa ay afka ku hayaan in cudurka ay dib ugu soo celiyeen somaliya qurbo joogta ka timaada dalka ingiriiska halkaaso uu uu cudurkani dad badan ku diloodey.

Si kastaba arintu ha ahaatee wasaarada caafimaadka dowlada federaalka somaliya oo ayaduba awoodeeda iska yahay tahay ayaa la tacaaleysa sidii ay ku xakameyn lahayeen cudurka halka shacabka magalada muqdishana laga kari la yahay inay xertaan mask isla markaana yareeyaan tegida meelaha buuqa badan