Wasiirka arimaha dibada oo sheegay in puntland iyo jubaland ay carqalad ku yihiin doorashada somaliya

0
82

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay xilligaan caqabad ku yihiin doorashada Soomaaliya.

Wasiirka oo ka hadlayay Fadhiga Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Madaxda Puntland iyo Jubbaland in heshiisyadii, Muqdisho, Baydhabo ilaa Dhuusamareeb intaba ay caqabada koowaad ku yihiin labada Maamul.

Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay la Shaqeeyqaan dowlado Shisheeye, sidoo kalena musharixiinta mucaaradka dhankooda ay yihiin kuwo dano gaar ah leh.

Hadalka Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uusan Muqdisho ka furmin shirkii uu ku baqay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, kaas oo ay shuruud ku xireen ka qeyb-galkiisa Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland.