Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in gelinkii dambe ee shalay duqeyn diyaaradeed oo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca koonfurta Somalia.
Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday xarun lagu tababaro dagaalyahanada kooxdaasi oo ku taalla buurta Kuumba oo 12 KM u jirta Jamaame.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybtooda 43-aad ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo xilligaas ku sugnaa xerada tababarka ee duqeynta lala eegtay.
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa iska kaashaaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibadooda caalamka, sida ay shaaciyeen saraakiisha ka warbixiyey howl-galkaasi.