Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee magaalada Muqdisho.
Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in laga qaldan yahay, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay dibad-baxa ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo laga qabo in ay dhacdo doorasho dimuqraadi ah.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga hortego in awood milatari loo adeegsado shacabka.
“Dalkan 21-sano oo Diktaatooriyad ah ayuu soo maray waana in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa Dastuuri,” ayuu sii raaciyey.