Golaha musharixiinta oo beesha caalamka ka dalbadey in madaxweynaha awooda dalka ku wareejiyo gole qaran

0
69

Qoraal ay u gudbiyeen midowga Musharixiinta beesha caalamka ayey ku dalbadeen qoddobo dhowr ah oo ka dhan ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Sidoo kale qoraalka ayey ku dalbadeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadii 19kii bishan ka dhacday magaalada Muqdisho oo ciidamada dowladdu isku hortaageen dibadbax ay doonayeen mucaaradku in ay k a dhigaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Sidoo kale waxaa ay dalbadeen in madaxweynaha dowladda Soomaaliya awooda ama talada dalka ku wareejiyo Gole Qaran iyo waliba in midowga Musharixiinta qeyb ka noqdaan wada hadallada la xiriira doorashooyinka dalka.