Ganacsatada qaar Maxaa damiirka iyo dadnimada ka qaadey

0
152

Talow maxaa naxariista ka qaadey qaar ka mid ah ganacsatada somaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka ma waaney damiir iyo danimo laheyn oo aysan ka naxeyn shacabka masaakiinta ah ee isku darsadey Xabad, qarax aaan dhamaaney iyo cudur dilaa ah oo beryahan fara ba’an ku haya.

Ma waaney nasiib daro eheyn in hal unit oo oxygen maanta gudaha magalada muqdisho lagu kala iibsado 1.400 oo dollar, dadka aan dhaqaalaha heysan ee u baahan oxygen yaa u maqan mise ma jirto cid u danqaneysa?.

Horaan u ogeyn arxan darada qaar ka tirsan ganacsatada somaliyeed qaab dhaqankooda in wax walba ay ka hormariyaan sidii ay dhaqaale ku sameyn lahaayeen, Horaan u aragney ayagoo dalka geeynaya daawooyin dhacay ama dhicitaankoodu dhow yahay, waxaan kaloo horey u aragney ayaga oo dalka geynaya raashin dhacay maantana wexey taagan tahay in ay oxygen dadka ayaga oo u baahan dhaqaale aan macquul eheyn kaga iibinaya alow iimaanka geli kuwa iimaanka ka tegey.

Dowlada oo uu madaxweynaha ka yahay Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xukuumada uu reysulwasaaraha ka yahay Mudane Maxamed Xuseen rooble waxaan ka codsaneynaa inay indho gaar ah u lahaadaan ganacsatada dhiig miiratada ah ee shacabka dhibaateysan raba inay dhiig miirtaan.

Run ahaantii waxaa ayaandaro ah in dadkii dhaqalaha heystey ee looga baahnaa inay umada u miciinaan inay ka shaqeynayaa dabar goynta shacabka somaliyeed, Umada gargaar ayey u baahan yihiin ee u gargaara hadeydaanawoodin inaad u gargaartaane sicir bararka ka daaya.

Cudurkan sida keliya ee looga gudbi karaa waa wada shaqeyn dhexmarta dowlada, shacabka iyo ganacsata ma aha xiligii iimaanka la iska qaadi jirey ee shilimaadka la raadin jirey dalka waxaa ka jirta musiibo ay awoodiwaayeen inay xakameeyaan kuwii naga awood badnaa macaadalaahi dowlad hada madaxa soo qaadeysa.