Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in markale maanta uu la kulmo xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka ee sida ay weyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
Kulankan oo noqonayaa kii saddexaad ayaa qorshuhu yahay in saacadaha soo socda uu ka furmo magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii ay dhawaan gaareen labada dhinac, si horey loogu sii amba-qaado wada-hadallada.
Sidoo kale kulanka dhex-mari doono ra’iisul wasaaraha iyo mucaaradka ayaa la filayaa in lagu soo qaado waxyaabaah kasoo kordhay baaritanka dhacdadii 19-kii Bishii Febaraayo.