Qaramada midoobey oo cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay magalada muqdisho

0
141

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa looga hadlay qarixii xooganaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimad dalka kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaramada Midoobay aya asheegtay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaas, islamarkaana waxa ay tacsi u dirtay ehellada ay dadkoodu ku dhinteen qaraxaasi.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa caafimaad deg-deg ah u rajeysay dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi, kuwaas oo kor u dhaafaya illaa 30 qof.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada qaraxii xalay ka dhacay maqaayqadda Luul Yemeni ay ka dhalatay cambaareyn xoogan, kaasoo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.