Turkiga oo cambaareeyey qaraxii xalay ka dhacay maqaaxida Luul Yamani

0
256

Dowladda Turkiga ayaa si adag uga hadashay qarixii is-miidaaminta ee xalay ka dhacay maqaayalada Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu cambaareeyey weerarkaasi oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho & dhaawac.

Turkiga ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay mar-weliba garab taagnaan doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.