Madaxweynaha maamulka jubaland oo maanta gaarey magalada muqdisho

0
217

Wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa degay xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Waxaana amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.