Golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa walaac xooggan ka muujiyay amni darrada iyo faafitaanka cudurka Covid-19, iyagoo dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay masuuliyaddii ka saarnayd arrimahan.
Warsaxaafadeed ay soo saareen midowga musharrixiinta waxay ku sheegeen in dowladdu aysan fal celin la taaban karo ka bixin falalka amni darrada ah ayna madaxda ugu saraysa ku mashquul yihiin sidii ay kusoo noqon lahaayeen.