Qarax kol dhaweyd ka dhacay degmada kaaraan

0
143

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaasoo geystay waxyeelo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay ku xirnaayeen Makarafoono loogu tala-galay in dadka looga wacyi-geliyo Covid-19.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegaya in qaraxan uu ku dhintay wadihii gaariga, sidoo kalena ay dhaawacyo soo gaareen askar iyo dad kale oo la socday baabuurkaasi.