Madaxweyne dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amray in muddo saddex cisho ah calanka hoos loo dhigo kaddib geeridii ku timid alle ha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.
Qoraal ka soo baxay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu yiri ” Waxaan muddo saddex cisho ah hoos u dhigaynaa calanka Jamhuuriyadda si aan u muujinno murugada geeridan ku timid madaxweynihii hore ee dalka, iyadoo la magacaabayo guddi ka shaqeeya Aas-Qaran oo loo sameeyo marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Alle ha u naxariisto Cali Mahdi uu door weyn ka qaatay dowladnimada dalka. iyadoo laga xanuusanayo sida ay uga go’nayd in dib loo soo celiyo dowladnimada Soomaaliyeed.