Reysulwasaare rooble oo ku dhawaaqay gudi heer qaran oo kasoo shaqeeya qabanqaabada aaska cali mahdi

0
56

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban 11 xubnood kuwaa oo diyaarin doona qabanqaabada Aaska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Guddigan oo ka kooban Golaha Wasiirradda iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa diyaarin doona Aas heer Qaran ah oo loo sameyn doono Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Guddiga ayaa kala ah.

  1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
  2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
  4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
  5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
  6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
  7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
  8. Cumar Cali Rooble, Xubin
  9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
  10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
  11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin.