Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka wada kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Axmed Madoobe ayaa maanta hoygiisa ku qaabilay danjiraha Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan Aadan, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale soo hadal qaaday is mari-waaga ka taagan doorashada 2021-ka, si xal mideysan looga gaaro.
Sidoo kale labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la dardar-geliyo shirka u dhexeeya dowladda federaalka & dowlad goboleedyada ee doorashooyinka.