Iyadoo la filayo dhawaan in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowladda federaalka, maamul gobolleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa dhinaca kale waxaan wali Muqdisho imaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleeyada dalka.
Muqdisho waxaa xiliggan ku sugan madaxweynayaasha maamul Gobolleedyada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle, halka ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha maamul Gobolleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo muhiim u ah ka qeybgalka kulanka.
Madaxtooyada Soomaaliya dhinaceeda wali wax war ah kama aysan soo saarin shirkan ay soo qabanqaabiyeen beesha caalamka ee la qorsheynayo in uu ka dhaco teendhada Afsiyooni oo ah halkii Afar sano ka hor lagu doortay madaxweynaha talada sii haya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,
Ilaa iyo hadda lama oga waqtiga rasmiga ah ee shirkani uu furmayo iyo sida ay dhinacyada oo dhan raali uga wada yihiin kulankan iyadoo dhowr jeer oo hore lagu gacanseyray ka qeybgalka shirar uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.
Madaxda Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii dhinacyada Soomaalida uga wada hadli lahaayeen doorasho wadar ogol ku dhacda islamarkaana loo dhameyn lahaa wixii khilaafaad ah ee jira.