Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Afrax oo shir jiraa’id qabatay ayaa waxay faah faahin kaga bixisay xaaladda bini-adanimo ee ka jirta Soomaaliya.
Wasiir Khadiijo ayaa hoosta ka xariiqday Abaaraha, daadadka, Ayaxa iyo caabuqa Covid-19 oo is biirsaday ay uga sii dareen xaaladda bini-adanimo ee ay wajahayaan qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada miyiga.
Waxay sheegtay in labo milyan iyo bar Soomaali ah ay hadda gudaha dalka ku wajahayaan xaalado isugu jira biyo la’aan cuni yari iyo saameynta dhaqaale ee uu geystay Ayaxa iyo caabuqa covid-19.
Shirka jiraa’id oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxaa goobjoog ahaa Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.