Maamulka gobolka banaadir oo maanta howlgalo la xiriiri dadka aan afka xirka wadan ka bilaabay degmada wadajir iyo dharkanleey

0
286

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday go’aano culus oo lagu xakameynayo cudurka saf-marka ah ee Coronavirus, kaasoo mar labaad ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya.

Xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aanadaasi ayaa sheegay inay dhaqan-geli doonaan wixii ka dambeeyey 15 bishan oo maanta ku beegan.

Wararka laga helayo degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saaka ciidamada ammaanka ay bilaabeen fulinta awaamiirta kasoo baxday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan xakameynta cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

Ciidamada ayaa qab-qabanayey dadweynaha la socda gaadiidka BL-ka, kuwa raaxada, mootooyinka Bajaajka & kuwa lugeynaya ee aan wadan Af-xirka.

Meelaha laga sameeyey howl-galladaas waxaa ka mid ah degmooyinka Wadajir, Dharkeyne & kuwa kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.