Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmahan ku sugan magalada muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto.
Kulanka labada masuul ayaa waxa looga hadlay xallinta khilaafka ka aloosan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Waxa kale oo kulanka looga hadlay arrimaha shirka ku saabsan doorashooyinka oo la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ku dhexmaro dowladda Federaalka, maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Si kastaba artintu ha ahaatee madaxda beesha caalamka ayaa kulamo gaar gaar ah beryahanba ka waday magalada muqdisho kaasoo ay la yeelanayeen madaxda maamul goboleedyada iyo golaha musharxiinta