Madaxweynaha dowlada federalka somaliya oo maanta qaatey talalka cudurka korono viruska

0
65

Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqdey qofkii ugu horeeyey ee qaata tallaalka Cudurka COVID-19.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yar tahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Sidoo kale waxaa uu ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer maamul Goboleed.