Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo u ambabaxay Gobolka Gedo

0
56

Guddiga Gurmadka abaaraha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa u ambabaxay Gobolka Gado si ay qiimeyn ugu sameeyaan xalaad abaar ee ka taagan Gobolkaas ee Koonfurta dalka.

Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale, iyagoona saacad kadib tegi doona Gobolka.

Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono waxgaradka iyo maamulka gobolka Gedo si ay ugu kuurgalaan xaalada abaaraha ee laga soo sheegaayo deegaanada hoostago Gobolka Gado.

Abaaro darran ayaa ka jira Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, waxaana abaarta ay saameysay dadka iyo xoolaha, kadib markii ceelashii biyaha laga cabi jiray laga waayay biyaha, iyadoona dadka deegaanka qaarkood ay nolol u raadsadeen deegaano kale