Wasiirka wasarada caafimaadka oo maanta qaadatey tilaalka cudurka korono viruska

0
307

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuumadda xilgaarsiinta Drs Fawsiya Abiikar Nuur ayaa maanta lagu talaaley Tallaalka COVID-19 ee ugu horeeyay gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabad lagu daah furayay tallaalka Cudurka COVID-19 ee shalay Muqdisho la keenay ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo howl-wadeenada Caafimaad ee dalka.

Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa helay tallaalka Coronavirus, waxaana dadka ugu horeeya ee lagu bilaabay ay noqdeen Madaxweynayaasha dalalkaas.