Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulkaasi.
Howl-galka ayaa ka dhacay dhinaca dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho & dhaawac.
Saraakiil ka tirsan Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin tiradooda.